Wasiirka cusub ee Cadaalada Puntland oo digniin direy

Image

GARAOWE, Puntland - Cawil Sheekh Xaamud, wasiirka cusub ee Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta dowlada Puntland, ayaa xilka si rasmi ah ugala wareegay shalay mas'uulkii xilka kaga horeeyay, halkaasi oo uu kusoo bandhigay qorshihiisa isbedalka.

Ugu horeyntii, Wasiirka ayaa balanqaaday in dib-u-habeyn uu ku sameyn doono qaabka ay u shaqeeyaan waaxyaha kala duwan ee wasaarada, islamarkaana uu adkeynayo wadashaqeynta dowlada dhexe.

"Guddi khuburo ah oo kasoo talla bixiya ayaan u saari doonaa..waanu casriyeen doonaa wasaarada..sababta oo ah waa wasaaradii la macaaltami lahayd  dowlada dhexe," ayuu si cad daaha uga rogay.

Hay’addaha samafalka ee ka howlgala degaanada Puntland ayuu ku nuux-nuux saday in ay kula xisaabtami doonan howlahooda iyo in ay si isku mid ah u gaarsiiyaan dadwaynaha adeegyada ay fuliyaan.

"Xitaa kuwa ajnabi ah ee halkaan ka howlgala waanu u yeeri doonaa, sababta oo ah cadaaladu waa in ay meel kasta gaartaa," ayuu wasiirku hadalkiisa daba dhigay, oo raaciyay "Hanaanka cadaalada waanu xoojineynaa".

Xukunada lagu riday qaar kamid ah maxaabiista ku jirta xabsiyada ayuu ka dhawaajiyay in dib u eegis lagu sameynayo, maadaama ay jiraan kuwa xukunada lagu riday ahaayeen "kuwa lagu deg-degay".

"Waa nala su'aalayaal hadii aaney waxba ka qaban, marka waxaan dib ugu laaban doonaa xukunada ku dhacay maxaabiista ku xiran xabsiyada magaalooyinka Puntland," ayaa laga soo xigtay.

Arrimaha Xajka iyo Diinta

Wasiir Xaamud ayaa carabka ku adkeeyay in wasaarada uu madaxdu u yahay in xooga saari doonto sidii ay dib ugu soo celin lahaa qoondada DPL ee arrimaha Xajka, taasi oo mugdi gashay mudadii uu jiray maamulkii Cabdiwali Gaas.

"Maamulkii hore waa uu dadaalay, hasa yeeshee, waxaan ku dadaali doonaa in aan dib u soo celino qoondadii Puntland ee Xajka, si xujeyda reer PL ay waxay mudan yihiin u helaan," ayuu xusay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xariiqay in wasaarada maadaama mas'uuliyad ay ka saaran tahay ilaalinta sharafta iyo karaamada Diinta ay tirakoob iyo dabagal ku sameyn doonto meelaha lagu barto.

"Waxaa soo baxday in malcamadaha ay noqdeen meel loosoo shaqo tago…hada kadib ma jiri doonto Dugsi ruqsad la’aan shaqeynaya iyo [caruurta] ay 10-sano bartaan, tiro go’an ayaanu u sameyn doonaa," ayuu shaaca ka qaaday.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Cadaalada iyo arrimaha Diinta Puntland, ayaa daboolka ka qaaday in wasaaradu ay ka shaqeyn doonto sidii xal loogu heli lahaa Urur diimeedyada iska soo horjeeda ee kusoo badanaya degaanada PL.

Xaamud ayaa kamid ahaa wasiiradii 10-kii bishaan Febraayo uu magacaabay Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni, kuwaasi oo ay codka kalsoonida siiyeen Gollaha Wakiilada ee maamulkaan 20-sano jirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM