Wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka PL oo xilka la wareegey

Image

June 23, 2015 (GO)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland  Cali Cabdullaahi Warsame ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegey.

Munaasabadda xil wareejintu waxay ka dhacday xarunta Wasaaradda ee Garowe, waxaana ksoo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo saraakiil ka socdey madaxtooyada.

Wasiirka cusub waxaa xilka ku wareejiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka Faarax Cali Cabdi.

Faarax ayaa si kooban uga warbixiyey waxyaabaha u qabsoomay wasaaradda muddadii sanad iyo barka ahayd ee ay jirtey dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wasiirka Deegaanka Cali Cabdullaahi Warsame ayaa ka mahadceliyey qaabka xilka loogu wareejiyey, wuxuuna ballan qaaday in uu  ku dadaali doono sidii loo baahin lahaa shaqooyinka ay Wasaaradda Deegaanku qabato.

Mudane Warsame ayaa isla maanta lagu dhaariyey xarunta madaxtooyada ee Garowe.

Warar maalmihii lasoo dhaafay dadku isla dhex marayey ayaa sheegayey in Cali Warsame ku qanacsaneyn xilka cusub ee loo soo magacaabay, waxaana xusid mudan in todobadkii lasoo dhaafay uu magaalada Galkacayo kulammo gaar gaar ah kula yeeshay qaar kamid ah waxgaradka iyo odayaasha beeshiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM