Wasiirka Deegaanka Puntland oo kormeeray Biyo-xireen [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

01 January, 2016(GO)-Wasiirka wasaaradda Degaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland ayaa maanta kormeer ku tagay biyo xireen wasaaraddu ka waddo togga Bilcil oo qiyaastii 15KM u jira degmada Dangorayo gobolka Nugal.

Biyaha xireenkan ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo bad baadin lahaa deegaanka islamarkaana looga hortagi lahaa xaalufka,waxaana wasiir Cali Cabdullaahi Warsame uu soo kormeeray qaabka shaqadu u socoto.

Maxamed Cabdullaahi Axmed oo ah Injineerka dhisaya biyo xireenka aya wasiirka u sheegay in shaqadu si fiican u socoto, wuxuuna tilmaamay inay wax ka badali doonto baahida loo qabay dhul daaqsimeed iyo meelo celiyaha biyaha xilli roobaadka maadama sida uu sheegay biyaha toggaasi ku darsami jireen Badda.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa amaanay dhismaha Biyo-xireenkan oo noqonaya kii labaad oo Puntland laga fuliyey sanadkaan gudihiisa, wuxuuna ku booriyey shaqaalaha iyo farsamo yaqaanada gacanta ku haya inay ku dadaalaan samaynta Biyo celis wanaagsan oo dalka iyo dadkaba anfaca.

Warsame ayaa sheegay inay sannadkan dhammaaday 2015 wasaaraddu samaysay barnaamijyo wax ku ool ah oo kamid yahay qaabka loo xakameeyay xaalufka, wuxuuna tilmaamay in sannadkan qorshaha ugu jirto qaabkii loo bad baadin lahaa Duurjoogta.

Booqashada kadib maamulka Dangorayo iyo cuqaasha Degmadaas ayaa wasiirka u sameeyey qado sharaf ay kusoo dhawaynayaan, waxayna iska xogwaraysteen qaabkii loo ilaalin lahaa deegaanka iyo habkii looga hortagi lahaa waxyaabaha nabaad guurka keena.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM