Wasiirka Deegaanka Puntland oo kormeeray Biyo-xireen [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

01 January, 2016(GO)-Wasiirka wasaaradda Degaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland ayaa maanta kormeer ku tagay biyo xireen wasaaraddu ka waddo togga Bilcil oo qiyaastii 15KM u jira degmada Dangorayo gobolka Nugal.

Biyaha xireenkan ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo bad baadin lahaa deegaanka islamarkaana looga hortagi lahaa xaalufka,waxaana wasiir Cali Cabdullaahi Warsame uu soo kormeeray qaabka shaqadu u socoto.

Maxamed Cabdullaahi Axmed oo ah Injineerka dhisaya biyo xireenka aya wasiirka u sheegay in shaqadu si fiican u socoto, wuxuuna tilmaamay inay wax ka badali doonto baahida loo qabay dhul daaqsimeed iyo meelo celiyaha biyaha xilli roobaadka maadama sida uu sheegay biyaha toggaasi ku darsami jireen Badda.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa amaanay dhismaha Biyo-xireenkan oo noqonaya kii labaad oo Puntland laga fuliyey sanadkaan gudihiisa, wuxuuna ku booriyey shaqaalaha iyo farsamo yaqaanada gacanta ku haya inay ku dadaalaan samaynta Biyo celis wanaagsan oo dalka iyo dadkaba anfaca.

Warsame ayaa sheegay inay sannadkan dhammaaday 2015 wasaaraddu samaysay barnaamijyo wax ku ool ah oo kamid yahay qaabka loo xakameeyay xaalufka, wuxuuna tilmaamay in sannadkan qorshaha ugu jirto qaabkii loo bad baadin lahaa Duurjoogta.

Booqashada kadib maamulka Dangorayo iyo cuqaasha Degmadaas ayaa wasiirka u sameeyey qado sharaf ay kusoo dhawaynayaan, waxayna iska xogwaraysteen qaabkii loo ilaalin lahaa deegaanka iyo habkii looga hortagi lahaa waxyaabaha nabaad guurka keena.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM