Wasiirka Duulista PL oo ka warbixiyey qandaraaska Garowe Airport

Image

March 25, 2015 (GO)- Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa ka warbixiyey halka uu marayo qandaraaska lagu dhisayo garoonka diyaaradaha ee Garowe iyo Jaamacadda Badhan.

Wasiirku wuxuu sheegay in March 23, 2015 magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta lagu daah furey wejiga labaad ee qandaraaska oo ay ku tartamayaan afar shirkadood.

Dukumiintiyada shirkadaha ayuu sheegay in si qoto dheer loo baari doono islamarkaana dhowaan la shaacin doono shirkadda guuleystey.

Wasiirka oo sidoo kale Radio Garowe weydiisey shuruudaha lagu xulanayo shirkadda guuleysatay, wuxuu sheegay inay kamid yihiin:

  • Inay soo dhameystirto dhammaan shuruudaha qandaraaska.
  • Inay dhaqaale haysato.
  • Leedahay khibrad shaqo oo fiican.
  • Haysato qalab iyo xirfadleyaal tayadoodu sarreyso.
  • Awoodina karto inay shaqada bilowdo xilli kasta.

Afarta shirkadood ee tartamaya waxaa labo kamid ah laga leeyahay dalka China labada kalena wuxuu fadhigoodu yahay dalka Turkey.

Maalgalinta dhisamaha garoonka diyaardaha Garowe iyo Jaamacada Baran ayaa waxaa ku deeqey hay'adda Kuwait Fund.

Saddexda asbuuc ee soo socda gudahooda ayaa la filayaa in la shaaciyo magaca shirkadda ku guuleysatey qandaraaska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM

Puntland Oo Ciidamo Cusub U Daabushay Buuraha Cal-Miskaad

Hawlgalkan, oo markii hore loo qorsheeyay in lagu soo afjaro bisha December ee 2025, ayaa galay marxaladdiisii ugu dambeysay.

  • Puntland

    08-12-2025

  • 11:10AM