Wasiirka Gaashandhiga Somaliland oo tagey Badhan, xiisad ka taagan Sanaag Barri

Image

BARAN: Wasiirka Gashaandhiga Somaliland Axmad Xaaji Cali Cadami iyo wafti uu hogaaminayo ayaa tagey magaalada Baran ee gobolka Sanaag halkaasoo maamulkiisu  ka wado ololaha diiwaangalinta doorashooyinka sanadka 2017.

Booqashada Wasiirka ayaa ku soo beegmeysa xilli Somaliland maalmihii lasoo dhaafey ka bilowdey diwaangalin doorashooyinka gobolada la yiraahdo Sanaag Barri kuwasoo maamul ahaan ka tirsan Puntland.

Magaalada Dhahar ayaa sidoo kale waxaa ku sugan wafti uu hogaaminayo Wasiirka Kaluumeysiga Somaliland Cali Jamac Buureed kuwasoo halkaas ka wada ololaha diiwaangalinta doorashooyinka.

Waftiga u hogaaminayo Cali Buureed ayaa waxaa kamid ah Maxamud Siciid Gacamey, xildhibanad ka tirsan Barlamanka Somaliland Baar Siciid iyo Taliyaha ciidamada Somaliland ee aaga Sanaag Barri Muse Jamac Dalaf.

Wararka warsidaha GO soo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamo xoogan oo ka socda maamulka Somaliland ku sugan yihiin degaano ka tirsan Sanaag Barri.

Ma jiraan wasiiro ka tirsan maamulka Puntland oo ku sugan labada magaalo madax ee gobolada Sanaag Barri [ Baran] iyo Highland [ Dhahar].

Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa ku sugan magaalada Xingalool halka Wasiirka Xanaanada xoolaha Cabdi Jamal ku sugan yahay tuulo la yiraahdo Kaladhacda oo aan ka fogeyn halka la yiraahdo Alxamdu Lilaah oo ku taal laamiga isku xira Bossaso iyo Garowe.

Shacabka degan magaalooyinkaan ayaa wel-wel ka muujinaya in isku dhac ciidan ka yimaado dhaqdhqaayadaan iyadoo jiraan warar sheegaya in xukuumada Puntland isu diyaarineyso iney ka hortagto arimahaan. 

Wasiirka amniga Puntland oo maalintii shaley warsaxfadeed ku qabtey magaalada Galkacyo ayaa sheegey ineysan u dulqaadan doonin abaabulka diiwaangalinta doorashada Somaliland kawado gobolada Sool iyo Sanaag.

Gobalada Sanaag Barri, Highland iyo Sool [ degaanada ay ka arimiso Puntland] ayaa saameynta ciidan iyo siyaasdeed ee xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Gaas ku leedahay hoos u sii dhaceysay sanadahii ugu dambeeyey taasoo dadka siyaasada la socda aaminsan yihiin in dowlada Somaliland bilowdey iney fursadaan ka faa'ideysato madaama xilli doorasho ku jirto.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM