Wasiirka Gargaarka Puntland oo su’aallo laga waydiiyay ka hortagga abaaraha

Image
Marwo Ubax ayaa soo bandhigtay waxqabadka Wasaaradda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo qorshooyinka lagu xoojinayo waxtarka adeegyada ay bulshada u qabato.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada, kaas oo lagu la xisaabtay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland.

Fadhiga oo diiradda lagu saaray waxqabadka iyo waajibaadka Wasaaradda, ayaa waxaa hortimid Wasiirka Wasaaradda, Marwo Ubax Cabdirashiid, Wasiir Ku-xigeenka Axmed Siciid Qaloonbi, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda, oo ay ku jiraan Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha.

Ugu horayn, Wasiirka ayaa Golaha ka hor akhrisay warbixin ka hadlaysa Wasaaradda, shaqooyinka ay qabteen.

Intaa kadib,Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan sida ay uga jawaabtay xaaladaha masiibooyinka ee ka dhacay Puntland, sida fatahaadaha iyo abaaraha, Tallaabooyinka loo qaaday ka hortagga masiibooyinka iyo diyaarinta adeegyo degdeg ah oo wax-ku-ool ah.

Iskaashiga iyo Hufnaanta: Habka ay Wasaaraddu ula shaqeyso hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, iyo sidii loo xaqiijin lahaa hufnaanta maamulidda miisaaniyadda.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Marwo Ubax Cabdirashiid, ayaa uga jawaabtay su’aalaha Golaha, iyadoo soo bandhigtay waxqabadka Wasaaradda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo qorshooyinka lagu xoojinayo waxtarka adeegyada ay bulshada u qabato.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda dadaallada ay ku bixinayso adeegyada gargaarka, isaga oo ku adkeeyey muhiimadda isla xisaabtanka iyo hufnaanta shaqo ee hay’adaha Xukuumadda.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Golaha Wakiillada ee lagu xoojinayo isla xisaabtanka iyo hubinta waxtarka adeegyada loo fidiyo bulshada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM