Wasiir Odowaa oo Garowe soo gaaray

Image

16 November, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xusseen "Odawaa"ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe oo ka furmay shir looga hadlayo doorashada 2016.

Safarkan oo aan loo horay loo sii shaacin ayaa salka ku haya arrimo shirarkan ka socda Somalia qaybo ka mid ah kaasi oo looga hadlayo qaabka doorashadu noqonayso, waxaana la filayaa inuu la kulmo madaxda Puntland.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda iyo xubno ka socda Barlamanka Somalia ayaa la sheegay inay qayb ka yihiin waftiga wasiirka.

Imaanshaha wafdigan ayaa yimi ka dib markii maanta Garowe iyo shan magaalo oo Puntland ka mid ah ka furmay shir looga hadlay qaabka doorashada sannadka dambe noqon doonto, waxaana ka qayb galay argooyin gaaraya wadar ahaan 600 boqol.

Kismayo, Jowhar, Baydhabo iyo Cadaado ayaa kulamadan oo kale ka socdaan, waxaana Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo la hadlay warbaahinta dowladda ku baaqay in shirarkan laga ilaaliyo khilaafka, xubnaha ka qayb galayana ka dhiibtaan arragti saliim ah, wixii ka soo baxana noqon doonaan masiirka shacabka Somaliyeed.

GAROWEOLINE  

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM