Wasiirka Qorsheynta Puntland oo iska-casilay xubinimada Ururka KAAH

Image
Is-casilaadda Faroole ayaa kusoo aadaysa xilli Puntland ay u jiheysatay doorasho dadban.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Qorsheynta Puntland, Maxamed Faroole, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xubinimadii xisbiga Kaah, sidda ku xusan qoraal rasmi ah oo uu ku faafay baraha bulshadda.

Mr Faroole oo xilka wasiirka loo magacaabay xilli ay jireen is-diidoodin siyaasadeed ayaa is-casilaadiisa ku sababeeyay doorkii uu xisbigu ka qaatay khalkhal gelinta amniga Puntland.

"Xisbiga Kaah waxa ku jira hoggaamiyayaasha hubaysan ee mucaaridka, doorashona waa ka qaban waayey gobolkayga Nugaal, wixii dhib dhacay waxa ka mas'uul ah KAAH." ayuu yiri.

Is-casilaadda Faroole ayaa kusoo aadaysa xilli Puntland ay u jiheysatay doorasho dadban isla markaana uu fashilmay mashruucii Saciid Deni ee ku saabsanaa coddeyn qof iyo cod oo lagu daabay muddo kororsi. 

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

May be an image of text

May be an illustration of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM