Wasiirka Warfaafinta PL oo ka hadley shirka Garowe [Dhageyso]

Image

GAROWE, May 1,2015 (GO)- Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirse Cabdulle Indha-Guran oo ka hadley halka uu marayo khilaafka ka taagan shirka Garowe gaar ahaan gobolka Mudug ayaa sheegey in weli xal laga gaarin khilaafka taagan.

Indhaguran ayaa sheegey in Puntland oggolaan karto oo kaliya heshiis dhexmara labada dhinac balse aysan aqbaleyn in warsaxafadeed ku ekaado mowqifka Dowladda Federaalka ee ku aaddan maamulka la doonayo in loo dhiso gobollada dhexe ee Somalia.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh iyo wafdigiisa ayaa weli ku sugan magaalo madaxda Garowe iyada oo maanta qado loogu sameynayo halka la yiraahdo Jibo-gale oo ku taal duleedka magaalo madaxda Puntland.

Xaflad lagu qabtey xaley madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa waxa khudbado ka jeediyey madaxda dowlada Federaalka, Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM