Wasiirka Warfaafinta: Shirkadaha Puntland uma hogaansami karaan Muqdisho

Image
SAWIR HORE

GAROWE, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid ayaa maanta ku dhawaaqay in Puntland aysan dhaqan gelin doonin amarkii kasoo baxay dowladda Federaalka ee lagu mamnuucay isticmaalka aaladaha TikTok 1XBET iyo Telegram.

Wasiirka ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay mid federaal ah, isla markaana uu sharciga dalka kala duwanyahay, isagoo xusay in sharuucda Puntland ay ka horreeysay mida Federaalka.

Madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Dani ayaa arrintan u saaray guddi farsamo oo ka wada xaajoonaya sida loo maamuli doona baraha bulshada, guddigan ayaa isugu jira khubaro iyo sharciyaqaanno, sida uu sheegay wasiirku.

Wasiirka ayaa yiri:

“Arrintaas weli waa socotaa dhameystirbayna mareysaa, todobaadyada soo socdana waxaa la rajeynayaa in baarlamaanka loo gudbiyo.”

Waxa uu intaas raaciyey: “Waxa ka soo baxa xeerarkaas, ayaa sharci noqonaya oo lagu kabi doono xeerka Caqaabta iyo xeerka Saxaafadda.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkadaha Puntland aysan u hogaansami karin go’aamada ka soo baxa Muqdisho.

Mar wax laga weydiiyey in Puntland ay hoos timaado Muqdisho, waxa uu wasiirku sheegay inay socdaan wada-hadallo, isla markaana aysan u hoggaansami doonin go’aannada Muqdisho kasoo baxa ilaa heshiis la gaaro.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM