Wasiirka Waxbarshada DFS oo booqasho ku yimid Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Wafti uu hogaaminayo wasiirka waxbarashada dowlada Federaalka Somalia Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe oo beri uu shir uga furmayo iyaga iyo madaxda wasaarada waxbarshada Puntland.

Waftiga Wasiirka DF Soomaaliya oo u ka mid yahay Agaasimaha guud ee wasaaradaas waxaa garoonka diyaradaha Garowe ku soo dhaweeyey wasiirka waxbrashada Puntland Abshir Yuusuf iyo masuliyiin kele.

Waftigaan ayaa  markay yimadeen waxay hore ka bilabeen kormeerida xafiisyada waaxyaha kala duwan ee xarunta Wasaarada Waxbarashada Puntland .

Maalinimada berito oo khamiisa ayaa waftigan iyo madaxda wasaarada waxbarashada Puntland waxa u furmy shir lagaga hadli doono Sharciga iyo siyaasada waxbarashada manhajka, midaynta imtixaanaadka iyo qodobo kele.

Booqashada Wasiirka Waxbarshada dowlada Federaalka Somalia ayaa imaanya xilli dhowaan  Wasaarada Waxbrashada Puntland  diiday Manhaj cusub oo ay dejisay Dowladda Federaalka  Somaliya.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM