Wasiirkii Cadaaladda Puntland oo is casiley [ Dhageyso]

Image

June 13, 2015 (GO)- Wasiirkii Wasaaradda Cadaaladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa saaka oo Sabti ah ku dhawaaqay inuu is casiley.

Shir-jaraa'id oo goor dhow uu ku qabtey xafiiskiisa magaalada Garowe ayuu ku shaciyey is-casilaadiisa.

Warsame oo warbaahintu u sheegey saxaafada in sideeda bilood ugu dambeysay madaxweynaha Puntland isku fiicneyn kadib markii mushahar la'aan lasoo gudboonaatey ciidamada Asluubta.

Is-casilaada wasiirka ayaa ku soo beegmeysa iyadoo la filayey maalmahaan isku-shaandhenyn lagu sameynayo golaha wasiirada Puntland taasoo kor u qaadey khilaafka u dhexeeya madaxda ugu sareysa kadib markii ay isku qabsadeen badalaada iyo magacaabista xubno hore iyo kuwao cusub.

Wasiirka Cadaalada ayaa waxaa damacsan inuu xilkaan ka qaado madaxweyne Gaas halka madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu diidan yahay. Halka ka akhri Faalo ka hadleysa khilaafkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM