Wasiirkii hore ee Deegaanka Puntland oo xilka ku wareejiyey ku-xigeenkiisa

Image

June 23, 2015 (GO)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Deegaanka, Dalxiiska iyo Duur-joogta ee Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa maanta si rasmi ah xilka u wareejiyey.

Saalax ayaa kamid ahaa wasiirro sagaal ah, kuwaasoo xilalkooda waayey kadib isku-shaandheyn Madaxweyne Gaas dhowaan ku sameeyey golihiisa wasiirrada.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa ka dhacday xarunta  Wasaaradda ee Garowe, waxaana xilka si kumeel gaar ah ula wareegey wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Faarax Cali Jaamac.

Guuleed Saalax  ayaa si kooban uga warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu wasiirka ahaa, isagoo xusay in wasaaraddu horumar ballaaran sameysey islamarkaana la hirgeliyey mashaariic dhowr ah oo ku saabsan horumarinta iyo dhowrista deegaanka.

Muxuu Wasiirka Deegaanku xilka  ula wareegi waayey?

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta uu xilka ula wareegi waayey wasiirka cusub ee dhowaan loo soo magacaabay Wasaaradda Deegaanka, Dr. Cali Cabduulaahi Warsame, xilli ay soo baxayaan warar madax bannaan oo sheegaya in uu xilkaas ka biyo diidsan yahay.

Cali Cabdullaahi ayaa xilligan ku sugan magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasoo uu wadatashi iyo kulamo gaar gaar ah kula leeyahay waxgaradka iyo odayaasha beesha uu kasoo jeedo.

Munaasabad tan oo kale ahayd oo isla maanta ka dhacday magaalada Garowe ayaa waxaa xilka ku wareejiyey wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Cali Xaaji Warsame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM