Wasiirrada Puntland oo ka hadlay xanuuno ka dillaacay gobollada Cayn, Nugal iyo Sool

Image

GAROWE, Puntland- Shirka Khamiislaha ah ee golaha wasiirrada Puntland, oo maanta uu shir guddoomiyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camay ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ku jiraa, xanuuno ka dillacay saddex gobol oo kala ah; Nugal, Sool iyo Cayn.

Kulanka ayaa sidoo kale lagusoo hadal qaaday arrimaha abaaraha iyo kor u qaadista dakhliga dowladda.

Wasiirrada Puntland, ayaa isku raacay in la labo jibaaro dadaalka loogu jiro caawinta dadkan, iyagoo xusay in ilaa 54 qof cudurro kala duwan ugu geeriyoodeen degmooyin katirsan saddexdaas gobol.

Waxaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay qaar kamid ah golaha wasiirrada kuwaasoo ka waramay xaaladda amniga iyo abaaraha ka jira waddanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM