​Wasiirrada Puntland oo miisaaniyad ansixiyay

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Shirka golaha wasiirrada Puntland oo maanta shir guddoomiyay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee 2017 iyo xeerka maaraynta daaqa iyo ilaalinta deegaanka oo ay soo gudbisay wasaaradda deegaanka.

Kulankan Khamiislaha ah, ayaa sidoo kale dib u eegis loogu sameeyay miisaaniyaddii hore 2016 taasoo laga dhagaystay saraakiil katirsan wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Waxaa sidoo kale intii uu socday shirka golaha wasiirrada Puntland, warbixin ku saabsan safarkiisa ka warbixiyay madaxweyne Gaas oo sheegay in dalka dibadiisa u aaday barnaamijka lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Miisaaniyadda iyo xeerka la anisiyay, ayaa amar lagu siiyay hay'adaha ay khusayso inay sida ugu haboon u hirgaliyaan, waxaana la sheegay in xeerka deegaanku wax badan ka badali doono bad-baada dhulka islamarkaana ka hortagi doono in nabaad guur dhaco.

Kulanka laguma soo qaadin doorashooyinka kasocda magaalada Garowe iyo muranka ka taagan Aqalka sare gaar ahaan xubnaha ka imaanaya deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM