​Wasiirrada Puntland oo miisaaniyad ansixiyay

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Shirka golaha wasiirrada Puntland oo maanta shir guddoomiyay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee 2017 iyo xeerka maaraynta daaqa iyo ilaalinta deegaanka oo ay soo gudbisay wasaaradda deegaanka.

Kulankan Khamiislaha ah, ayaa sidoo kale dib u eegis loogu sameeyay miisaaniyaddii hore 2016 taasoo laga dhagaystay saraakiil katirsan wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Waxaa sidoo kale intii uu socday shirka golaha wasiirrada Puntland, warbixin ku saabsan safarkiisa ka warbixiyay madaxweyne Gaas oo sheegay in dalka dibadiisa u aaday barnaamijka lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Miisaaniyadda iyo xeerka la anisiyay, ayaa amar lagu siiyay hay'adaha ay khusayso inay sida ugu haboon u hirgaliyaan, waxaana la sheegay in xeerka deegaanku wax badan ka badali doono bad-baada dhulka islamarkaana ka hortagi doono in nabaad guur dhaco.

Kulanka laguma soo qaadin doorashooyinka kasocda magaalada Garowe iyo muranka ka taagan Aqalka sare gaar ahaan xubnaha ka imaanaya deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM