Wasiirrada Puntland oo taageeray go'aankii Maamul goboleedyada

Image

GAROOWE, Puntland- Shirkii golaha wasiirrada Puntland oo maanta 01 Nev 2018 ka qabsoomay caasimadda Garoowe, ayaa looga hadlay arrimaha Amniga, Go’aankii GIDG, Ansixinta Siyaasadda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo sidoo kale Siyaasadda Horumarinta Dhalinyarada.

Xaaladda ammaanka Puntland ayaa lagu sheegay inuu yahay mid aad u wanaagsan islamarkaana waxaa warbixin laga dhagaystay wasaaradda amniga.

Qoraal kasoo baxay shirkaas ayaa lagu sheegay in golaha wasiirrada Puntland si buuxda u taageereen go'aankii kasoo baxay shirkii madaxda maamul goboleedyadu bishii hore ku yeesheen magaalada Garowe kaasoo laga soo saaray war-murtiyeed ka koobnaa 15 qodob.

Taageeridda go'aankan ayaa kusoo aadaya xilli uu aad u xunyahay xiriirka madaxda maamul goboleedyada iyo DFS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM