​Wasiirro kale oo Madaxtooyada Puntland lagu dhaariyay

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta 09 August 2017 xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe lagu dhaariyey labo Wasiir iyo hal Wasiir ku-xigeen oo kamida golaha xukuumadda cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay.

1.      Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) Wasiirka Wasaaradda                        Duulista Hawada iyo Garomada Puntland

2.      Cabdinuur Cilmi Maxamuud ( Biindhe) Wasiirka Wasaaradda             Beeraha iyo Waraabka

3.      Saciid Faarax Maxamuud Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda                     Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, ayaa ah saddex xubnood ee lagu dhaariyay Garowe, kuwaaasoo kamid ahaa xukuumaddii hore.

Munaasibadda dhaarinta  waxaa goob joog ka ahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland.

Gaas, ayaa wasiirradiisa kula dar-daarmay inay kasoo baxaan mas'uuliyadda loo dhiibay isagoo ka codsaday inay dadka dalka si hufan ugu adeegaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku booriyey masuuliyiintani inay markasta ka fogaadaan kana dheeraadaan wax kasta oo shaqadooda xumaynaya, isla markaana ay  xilkasnimo iyo daacadnimo ugu adeegaan shacabkooda.

Lama oga sababta keentay in xubnaha ka baaqdaan dhaarintii horay loogu sameeyay wasiiradii hore, iyadoo la sheegay in xubnaha qaybtood saluug ka muujiyeen wasaaradaha cusub ee loo wareejiyay.

Axmed Karaash ayaa horay u ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, halka Biindhe uu ahaa Wasiirka Kalluumaysiga.

Golaha cusub ayaa dhawaan hortagi doona Barlamanka Puntland si ay u helaan Kalsoonida Xildhibaanada.

Dhawaan ayay ahayd markii la kala diray Xukuumadii hore markii Barlamanku ku eedeeyay inay ku fashilmeen shaqadii loo dhiibay.

Gaas ayaa soo celiyay wasiirradii hore badankooda inkastoo uu u kala wareejiyay wasaaradaha.

Lama oga inay heli doonaan Xasaanadda Xildhibaanada, balse waxaa loo badinayaa in la ansixin doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM