Waxgarad aadey xallinta dagaal ka dhacay Xuduudda Puntland [Dhagayso]

Image

06 September, 2015(GO)-Wafdi ka kooban waxgarad ayaa u ambabaxay deegaanada Qorilay iyo Cagaarane oo ku yaalla xuduuda u dhaxeeysa Puntland iyo Kilinka Shanaad oo dhawaan ka soo cusboonaatey colaad u dhaxaysa beelo halkaasi wada daga.

Cabdiraxaan Diiriye Shuuqe oo ka mid waxgaradka deeganadaasi tagaya ayaa wareysi uu siiyay Radio Garowe 05 September, 2015 waxa uu ku sheegay in arintani isu xilqaameen waxgarad ka yimi gobolada Puntland kuwaasi oo doonaya daminta colaadda.

"Waa arin murugo ah runtii, Rag odoyaal ah oo ka yimi gobollada Puntland ayaa hadda ambabax ah oo tagaya, waxanna leeyahay colaadaasi joojiya" Ayuu yiri Shuuqe oo ka mid ah waxgaradka. 

Waxa uu tilmaamey in arintani gacan ku lahaayeen Madaxda Puntland isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay inay ku guuleystaan soo afjaridda colaaddan mudada soo socotay.

Dhawaan ayay ahayd markii dagaal u dhaxeeya beelo wada daga deegaanada Qorilay iyo Cagaarane oo hoostaga gobolka Sool isla markaana dhaca xuduuda Puntland ay la wadaagto Kilinka Shanaad uu ka dhashay khaasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM