Waxgaradka Mudug: Deni Dalka ha u turo.

Image

GAROWE,Soomaaliya - Waxgaradka, Siyaasiyiinta Dhaqanka gobalka Mudug ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Garowe ee Caasimada dowlada Puntland waxaa ay ugu baaqeen madaxweynaha xilhayntiisa Dastuuriga ah ay ka hareen wax ka yar sadex bil in uu u turo Puntland.

War-murtiyeed ay warbaahinta u akhriyeen ayaa lagu yiri" Ma muuqato suurtagalnimada Doorasho aan ahayn tii lagugu soo doortay oo Puntland ka dhici karta".

Golaha wakiilada Puntland oo 25 ka bishaan uu u furmanayo kalfadhigoodu u danbeeyay ayay waxgaradku usoo jeediyeen " in aan ceeb ku saaglotiyin reer Puntland".

Lifaaqa Doorashada Puntland ayaa sida caadadu ahayd lasoo saari jiray sanadka ugu danbeeya dhamaadka bisha 11aad ee November.

Dhawaan hadal jeedin uu sameeyay madaxweyne, Siciid Deni waxa uu ku dhawaaqay in Doorashada soo socota qof iyo cod lagu galayo balse waxaa ay mucaaradku ugu yeereen mid uu isagu ku tolanayo shaati isaga le'eg.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM