Puntland: Weerar lagu qaadey Maxkamadda Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Bambaanooyin dhowr ah ayaa lagu weeraray xarunta maxkamadda darajada Kowaad ee magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari, galinkii hore maanta.

Weerarkaas, waxaa dhibaato kasoo gaartay ilaa saddex ruux oo shacab ah kuwaaso qaba dhaawacyo kala duwan.

Lama oga sababta Bambada loogu tuuray maxkamadda oo markaas kasocotay kiis Madani ah, oo inta badan la  qaado maalinta sabtida.

Goob jooge ku sugnaa goobta falkaasi ka dhacay ayaa GO u sheegay in saddex Bambo lagu tuuray Maxkamadda oo dhagaysanaysay Dacwad Madani ah.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas.

Balse, kooxaha Argagixisada ah ee Al Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan weerarada oo kale ka gaysta magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM