Weerarka xabsiga Boosaaso: Ciidanka oo ka daba-tegay dableyda

Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Ciidanka difaaca Puntland iyo maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa Jimcada maanta ah wuxuu iska hor-imaad ku dhexmaray koonfurta xarunta gobolka Bari ee Boosaaso.

Sidda ay wararku sheegayaan, dagaalka oo si gaar ah uga dhacay buuraha Girible iyo Gaaca ayaa u dhaxeeyay ciidanka amniga oo ka daba-tegay dableydii xalay weerartay saldhiga weyn ee Boosaaso.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in ciidamadda ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan 25 isugu jira maleyshiyo Al-Shabaab ah iyo maxaabiistii ay ku furteen weerarkii xooganaa ee saldhiga.

Saraakiil ka tirsan ciidamadda oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa shaaca ka dhigay in iska hor-imaadka ay ku khaarijiyeen tobanaan kamid ah maleyshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalkan dhacay duhurnimadii maanta oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida.

Dagaalkan dhacay duhurnimadii maanta ayaa kusoo aaday iyaddoo madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu isaga oo xiran darees milatari uu maanta ka degay magaaladda dekadda leh ee Boosaaso.

Deni ayaa la filayaa in uu kulamo gaar-gaar ah la yeesho saraakiisha ammaanka isla markaana uu ka xog-wareysto weerarka dhacay iyo sidda ay ku dhacdey in ay ku guuldareysteen in ay ka hortagaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM