Weerarkii guriga Guddoomiyaha gobolka Bari oo dad loo soo qabtey

Image

February 27, 2015 (GO)- Dhowr qof ayaa loo soo qabtey weerar qorsheysnaa oo xalay dabley hubeysni kusoo qaaddey guriga uu magaalada Bosaso ka deggen yahay Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan.

Guddomiye Gallan oo maanta isaga iyo taliye ku-xigeenka booliska gobolka Bari Axmad Yuusuf Muuse Jaqanaf si wadajir ah warbaahinta ula hadleen ayaa sheegay in boolisku dhowr qof falkaas usoo qabteen xiliganna baaritaan lagu wado.

Wuxuu sidoo kale ka warbixiyey qaabka weerarkii xalay u dhacay iyo weliba khasaaraha ka dhashay isagoo sheegay in gurigiisa labo jiho laga soo weeraray balse ilaaladiisu si xooggan isaga difaaceen kooxdii duullaanka soo qaaddey.

Hal askari ayuu guddoomiyuhu sheegay in uu ku dhintey is rasaaseynta mid kalena ku dhaawacmey.

Weerarkii xalay lagu soo qaadey hoyga Guddoomiyaha goblka Bari ayaa ahaa kii saddexaad ee noociisa ah ee muddo bil gudaheed ah ka dhaca magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Labadii weerar ee hore oo mas'uuliyaddooda ururka Al-shabaab sheegtay waxaa midkood lagu soo qaadey saldhigga booliska ee Baalade halka mid labaadna lala beegsaday goob fariisin u ahayd ilaalada gaarka ah ee taliye ku-xigeenka booliska Puntland.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM