Weerarkii guriga Guddoomiyaha gobolka Bari oo dad loo soo qabtey

Image

February 27, 2015 (GO)- Dhowr qof ayaa loo soo qabtey weerar qorsheysnaa oo xalay dabley hubeysni kusoo qaaddey guriga uu magaalada Bosaso ka deggen yahay Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan.

Guddomiye Gallan oo maanta isaga iyo taliye ku-xigeenka booliska gobolka Bari Axmad Yuusuf Muuse Jaqanaf si wadajir ah warbaahinta ula hadleen ayaa sheegay in boolisku dhowr qof falkaas usoo qabteen xiliganna baaritaan lagu wado.

Wuxuu sidoo kale ka warbixiyey qaabka weerarkii xalay u dhacay iyo weliba khasaaraha ka dhashay isagoo sheegay in gurigiisa labo jiho laga soo weeraray balse ilaaladiisu si xooggan isaga difaaceen kooxdii duullaanka soo qaaddey.

Hal askari ayuu guddoomiyuhu sheegay in uu ku dhintey is rasaaseynta mid kalena ku dhaawacmey.

Weerarkii xalay lagu soo qaadey hoyga Guddoomiyaha goblka Bari ayaa ahaa kii saddexaad ee noociisa ah ee muddo bil gudaheed ah ka dhaca magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Labadii weerar ee hore oo mas'uuliyaddooda ururka Al-shabaab sheegtay waxaa midkood lagu soo qaadey saldhigga booliska ee Baalade halka mid labaadna lala beegsaday goob fariisin u ahayd ilaalada gaarka ah ee taliye ku-xigeenka booliska Puntland.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM