Weeraro Askar lagu dilay oo ka dhacay Boosaaso iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BOOSAASO, Puntland - Weerar kala duwan oo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawc, ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafey ka dhacay magaalada Boosaaso, ee xarunta Ganacsi Puntland.

Weerarka hore ayaa dhacay xalay goob Makhaayad ah oo lagu qayilo oo ku taalla kasoo horjeedka Shirkadda Golis, kaasoo lagu dilay labo Askari, sidoo kalena lagu dhaawacay dhowr Askari oo kale, sida goobjooge u xaqiijiyey Warsidaha Garowe Online.

Dabley hubeysan ayaa Askartan ku weerartay goobta ay fadhiyeen, kadibna rasaas oodda uga qaadey, iyadoo ay ka dileen labo Askari, kuwaasoo kamid ahaa ciidamada amaanka Puntland ee ka howlgala magaalada Boosaaso.

Kooxda dilka Askarta fulisay ayaa goobta ka baxsatay kahor inta aysan ciidamada amniga soo garey.

Dil kale oo loo geystay gabar katirsanayd waaxda canshuuraha ee dowladda Hoose ayaa saacadihii hore ee saaka lagu dilay gudaha Suuqa xilli ay ku guda jirtay howlo canshuur aruurin ah.

Sida ay sheegeen Saraakiisha amniga, labo nin oo bastoolado ku hubeysay ayaa fuliyay falkan khaarijinta ah ee lagu dilay Gabadha oo aan wali magaceeda la sheegin.

Dilka gabadhan ayaa kasii horeeyay weerar lagu dhaawacey xalay gabar kale oo la sheegay inay kamid tahay dadka wax-tahriibiya, waxaana dhaawaceeda la dhigay Isbitaalka Boosaaso.

Dilalkan ayaa kusoo beegmaya xilli amniga Boosaaso uu faraha ka baxay, kadib markii ay kusoo kordheen weerarada argagaxisada Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish.

Xukuumadda waqtigeedu dhamaadey ee uu hogaamiyo Cabdiweli Gaas ayaa mudadii shanta sano ee ay xafiiska joogtey lagu eedeeyay inay ku fashilantay amniga, iyadoo Puntland ay ka dhaceen weeraro askar iyo saraakiil badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM