Weriye Cabdirsaaq Cali Silver oo Gaakacayo lagu diley

Image

November 18, 2014 (GO)- Weriye ka tirsanaa Radio Daljir  iyo Horn Cable TV ayaa caawa lagu diley degmada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Weriyaha oo lagu magacaabi jirey Cabdirisaaq Cali Cabdi kuna magac dheeraa Silver waxaa madaxa ka toogtey labo nin oo biskoolado ku hubeysnaa waxyar kadib salaadii Cishaha xilli uu marayey bartanka magaalada gaar ahaan halka loo yaqaan Xero Daraawiish.

AHN Silver oo kamid ahaa weriyaasha ugu caansan Puntland horayna uga soo shaqeeyey idaacadaha Radio Galkacyo iyo Codka Nabadda wuxuu ifka uga tegey hal xaas iyo labo wiil.

Waa weriyihii saddexaad ee ka tirsan Radio Daljir oo tan iyo sanadkii 2011 magaalada Gaalkacayo lagu dilo wuxuu sidoo kale shan ku noqonayaa tirada weriyaasha labadii sano ee lasoo dhaafey lagu diley magaladaas.

Warsidaha Garowe Online Tafatirayaashiisa iyo dhamaan Wariye-yaasha waxay tacsi u dirayaan AHN Cabdirizaq Cali Cabdi, Qoyskiisa, Idaacada Daljir iyo shaqalaheeda waxaan leenahay samir iyo imaan isagana Ilaahey Janatul fardowzo ha ka waraabiyo. Aamiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM