World Vision oo soo afmeertay mashruuc saddex sano kasocday Dangoroyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Hay’adda World Vision oo mashaariic kala duwan ka wada deegaanada Puntland ayaa maanta soo afmeertay Mashruuc soconayay saddex sano oo kor loogu qaadayay waxbarashada degmada Dangoroyo ee gobolka Nugal iyo tuulooyin hoos yimaada.

Xaflad lagu qabtay degmada Dangoroyo oo ay joogeen mas’uuliyiin ka socotay hay’addaas, wasaarada waxbarashada, guddoonka degmada iyo bulshada ku dhaqan halkaas, ayaa looga hadlay faa’iida uu layaa barnaamijkan.

Inta uu socday Mashruucan ayaa degmadaas ka faa’iiday hormarin lagu sameeyay goobaha waxbarashada, tababar la siiyay macaliin iyo agabyo waxbarasho oo la dhigay Iskuullada.

Madaxa Mashruucan ee hay’adda World Vision Ali Tumalo, oo sharaxaad ka bixinayay waxqabadkii la sameeyay saddexdii sano ee uu socday Barnaamijkan ayaa sheegay in hay’addu dhistay 11 Iskuul halka dayactir lagu sameeyay 41 fasal.

Tumalo, ayaa sidoo kale xusay inay taageereen 18 macallin oo shahaadada Diplomada ka qaaday Kulliyada Tababarka Macalimiinta GTEC iyo 48 bare oo iyagana la siiyay aqoon kororsiyo kala duwan.

Madaxa mashruucan ayaa intaas ku daray inay ardayda siiyeen agab Cayaareed loogu talo galay inay ka faa’iidaystaan waqtiga fasaxa iyo buugaag wax laga akhristo.

Guddoomiye ku-xigeenka Dangoroyo Maxamed Faarax Muuse iyo Cabdullaahi Xaaji Yusuf  oo ah Guddoomiyaha Waxbarashada Degmadaas, ayaa ka mahadceliyay mashruucan mudada soo socday, waxayna qireen inuu farqi weyn u dhaxeeyo malintii la bilaabay mashruucan iyo hadda oo gabo-gaboobay.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada Puntland, Maxamed Cabdulqaadir oo xariga ka jaray mashaarciida degmadaas ka hirgalisay hay’add ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in World Vision qayb ka qaadatay hormarinta waxbarashada Degmada Dangoroyo iyo tuulooyinka hoos taga.

Wuxuu ballan qaaday in wasaaraddu ku dadaalayso sidii uu usii socon lahaa mashruucan oo uu xusay in hirgalintiisa door-weyn ku lahaayeen bilowgiisa.

Maxamed ayaa ka mahad-naqay wada-shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa hay’adda World Vision.

Munaasabadda kadib madaxda labada dhinac ayaa soo kormeeray goobo waxbarasho oo ku yaalla degmada Dangoroyo iyagoo maamulayaasha xarumahaas oo u badnaa kuwo lagu barto xirfadaha gacanta ka dhagaystay baahiyahooda.

Bishii Koowaad ee sannadkii 2015 ayaa mashruucan ka bilowday degmada Dangoroyo iyo tuulooyin hoos yimaada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM