Wufuudda Ra'isal wasaarayaashii hore Somalia oo Garowe lagu soo dhaweyay

Image
Image
Image
Image

04 January, 2016(GO)-Wafuud ay hogaaminayaan Ra'isal wasaarayaashii hore Somalia Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa maanta lagu soo dhaweyay magalada Garowe kadib safar shalay ku yimaadeen xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali  oo weheliyaan ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi ayaa ku qaabilay labada  wafdi xarunta madaxtooyada Puntland.

Wufuudan oo ka kala yimi Muqdishu iyo Baydhabo ayaa ka qayb galaya furitaanka garoonka diyaaradaha magalada Bosaso oo la qorsheeyay in xarigga laga jaro 08-Jan-2016. 

Madaxweyne Gaas ayaa  soo dhoweyn kadib ku mas'uuliyiinta Garowe yimi ku tilmaamay in ay yihiin shaqsiyaad somalinimadu kuweyntahay wax wanaagsanna ka qabtay dalka. 

Prof Cali Maxamed Geeddi Ra’iisul-wasaarihii hore ee Dawladdii Kumeel-gaarka ahayd ee Somalia iyo Dr. Cabdweli Sheekh Axmed Maxamed Ra’iisul wasiirkii kowaad ee Dowladda hadda joogta waxay ka mahaceliyeen qaabka loo soo dhaweyay, waxayna sheegeen inay marti qaad ka heleen xukuumadda Madaxweyne Gaas. 

Furitaanka garoonka oo la qorsheeyay inay dhacayso horaanta bishan ayaa lagu wadaa inay ka soo qayb galaan mas'uuliyiin kasocota dowladda Somalia iyo maalgashadayaal caalami ah, waxaana xafladdaasi barbar socda munaasabadda sannad guuradii 2aad ee xukuumadda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM