Wufuudda Ra'isal wasaarayaashii hore Somalia oo Garowe lagu soo dhaweyay

Image
Image
Image
Image

04 January, 2016(GO)-Wafuud ay hogaaminayaan Ra'isal wasaarayaashii hore Somalia Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa maanta lagu soo dhaweyay magalada Garowe kadib safar shalay ku yimaadeen xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali  oo weheliyaan ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi ayaa ku qaabilay labada  wafdi xarunta madaxtooyada Puntland.

Wufuudan oo ka kala yimi Muqdishu iyo Baydhabo ayaa ka qayb galaya furitaanka garoonka diyaaradaha magalada Bosaso oo la qorsheeyay in xarigga laga jaro 08-Jan-2016. 

Madaxweyne Gaas ayaa  soo dhoweyn kadib ku mas'uuliyiinta Garowe yimi ku tilmaamay in ay yihiin shaqsiyaad somalinimadu kuweyntahay wax wanaagsanna ka qabtay dalka. 

Prof Cali Maxamed Geeddi Ra’iisul-wasaarihii hore ee Dawladdii Kumeel-gaarka ahayd ee Somalia iyo Dr. Cabdweli Sheekh Axmed Maxamed Ra’iisul wasiirkii kowaad ee Dowladda hadda joogta waxay ka mahaceliyeen qaabka loo soo dhaweyay, waxayna sheegeen inay marti qaad ka heleen xukuumadda Madaxweyne Gaas. 

Furitaanka garoonka oo la qorsheeyay inay dhacayso horaanta bishan ayaa lagu wadaa inay ka soo qayb galaan mas'uuliyiin kasocota dowladda Somalia iyo maalgashadayaal caalami ah, waxaana xafladdaasi barbar socda munaasabadda sannad guuradii 2aad ee xukuumadda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM