Xaabsade oo ka hadlay arimo xasaasi ah [Dhagayso]

Image

28 August, 2015 (GO)-Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade oo ku sugan magaalada Galkacyo ayaa dhaliilay Puntland iyo guud ahaan nidaamka dowliga ah ee ka jira.

Xaabsade  waxa uu sheegey inaysan haatan jirin awooddii  iyo shuruucdii lagu dhisay Puntland 1998-dii, taasi oo sababtey sida uu hadalka u dhigey inaysan maanta wada hadlin Isimada Puntland.

Siyaasi Xaabsade oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey inaysan Puntland lahayn Ciidamo difaaci kara, Hanti dhawrayaal, Maxkamad xallin karta khilaafka markaasi taagan, waxaa uuna xusay inay dhalin karto kala fogaanshaha Shacabka Puntland.

"Wixii sharci ahaa ee la sameeyay iyo wixii lays ku diray maanta waa laga wada tagay mana yaalaan, hadii aan sharciga lagu socon wax soconaya ma jiraan, hadayn noqoto ciidan oo gobolada ayaa la kala tagay, marka ma jirto ciidan qaran oo maanta aynu ku tashano, cadowgu haduu ka soo talaabo Buuro-wadal oo yimi maado Garowe waa uu karaa" Ayuu yiri Xaabsade.

Hadalkan ayuu Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade ka sheegey shirka wadatashiga Puntland ee ka socda magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana hadalkan dhaliyay buuq koobnaa oo ka dhacay madasha shirku ka socdey.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM