Xaabsade oo ka hadlay arimo xasaasi ah [Dhagayso]

Image

28 August, 2015 (GO)-Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade oo ku sugan magaalada Galkacyo ayaa dhaliilay Puntland iyo guud ahaan nidaamka dowliga ah ee ka jira.

Xaabsade  waxa uu sheegey inaysan haatan jirin awooddii  iyo shuruucdii lagu dhisay Puntland 1998-dii, taasi oo sababtey sida uu hadalka u dhigey inaysan maanta wada hadlin Isimada Puntland.

Siyaasi Xaabsade oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey inaysan Puntland lahayn Ciidamo difaaci kara, Hanti dhawrayaal, Maxkamad xallin karta khilaafka markaasi taagan, waxaa uuna xusay inay dhalin karto kala fogaanshaha Shacabka Puntland.

"Wixii sharci ahaa ee la sameeyay iyo wixii lays ku diray maanta waa laga wada tagay mana yaalaan, hadii aan sharciga lagu socon wax soconaya ma jiraan, hadayn noqoto ciidan oo gobolada ayaa la kala tagay, marka ma jirto ciidan qaran oo maanta aynu ku tashano, cadowgu haduu ka soo talaabo Buuro-wadal oo yimi maado Garowe waa uu karaa" Ayuu yiri Xaabsade.

Hadalkan ayuu Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade ka sheegey shirka wadatashiga Puntland ee ka socda magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana hadalkan dhaliyay buuq koobnaa oo ka dhacay madasha shirku ka socdey.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM