Madaxweyne Xaaf oo lagu soo dhaweeyay magaaladda Garowe

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu soo gaarey magaalada Garowe, caasimada Puntland.

Hogaamiyaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay wafdiga uu horkacayey Axmed Madoobe garoonka diyaaradaha ee caasimada gobolka Nugaal.

Xaaf ayaa noqonaya madaxweynihii ugu dambeeyay ee maamul goboleedyadda ka degay Garowe, maadaama shalay oo Jimco ahayd ay intooda badan tageen madaxda kale.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha dalka, ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu yimaado magaala madaxda Puntland xili ay socoto qaban-qaabada soo dhaweyntiisa.

Madaxda isugu timid Garowe ayaa kawada qaybgaleysa Shirka Wadatashiga ee dowlad goboleedyada iyo xukuumada federaalka ah, kaasi oo xaalada guud ee wadanka lagu gorfeyn doono.

Arrimaha sida gaarka ah diirada loogu saarayo shirka ayaa noqonaya siyaasada, amniga, dhameystirka dastuurka qaybyada ah iyo doorashooyinka sanadka 2020-21.

Kulankaasi oo socon doona maalmo ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobadii ay isla meel-dhigeen mas'uuliyiinta uu isu imaatinkiisa socday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM