Xaafad Garowe ku taal oo qarka u saaran in Daacuun ka dilaaco

Image

GAROWE, Soomaaliya - Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa roobabkii deyrta oo ka curtay waxaa ay uga tageen saamayn.

Xaafadda Hodan ayaa ilaa haatan ay fadhiyaan jidadka biyihii roobka iyaga oo yeeshay ur iyo midab badalan.

Mid kamid ah dadka xaafadda dagan oo GO la hadlay ayaa yiri" waa Musiibo in ciidamada dowlada hoose ay guryaha albaabada kala baxaan biyihii roobkana ay sidaan noo go'doomiyaan".

Horey xaafaddaan waxaa looga cabanayay biyo iska socda oo aan la garanayn waxaa ay yihiin kuwaasi oo xitaa xiliyadii aanu roobku jirin laga arkayay xaafadaasi.

Dowlada hoose ee Garowe ayaanan marna iska Xil-saarin wax ka qabashada qeylo dhaanta xaafadaasi.

Gudoomiyaha degmada Garowe, Cabdulqaadir Maxamed Geedi oo horeyna u ahaa agaasimaha maamulka maaliyada ee xafiiska Deni ayaa lagu dhaliilay in uu ku mashquulsan yahay doonista madaxweynaha isla markaana uusan ka war qabin Arimaha bulshada ee degmada.

Biyaha fadhiya wadooyinka hodan ayaa laga walaacsan yahay in ay keenaan xanuuno ay kaneecada/Duumadu kamid tahay iyo Daacuun maadaama oo hadii aan lagu dirin cudur dilayaan lana jiidin ay saamayn karto dhamaan bulshada xaafadahaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM