Puntland: Kalluumaysato ku neef-qabatimay gunta badda Xaafuun

Image
Kalluumaysatada oo 10 gaarayay ayaa la galay gunta hoose ee badda iyaga oo isticmaalaya mashiinka uu neefsiinta baabuurta.

GAROWE, Puntland - Hal qof ayaa geeriyooday, 2 kale oo lala tacaalayo waxaa loo gudbiyay Qardho kadib markii ay badda gunteeda ku neef qabatimoobeen kaluumaysato degmada Xaafuun ee gobolka Bari.

Kaluumaysatada oo 10 gaarayay ayaa la galay gunta hoose ee badda iyaga oo isticmaalaya mashiinka uu neefsiinta baabuurta u adeegsadaan Goomeystayaashu kaasi oo loo yaqaano "Hoo-Nuug".

Aaladaan oo aan loogu talo gelin in lala galo biyaha hoostooda ayaa kaluumaysatadu u isticmaalaan xilliyada qaar wallow ay adeegsigeeda ka digaan xeel-dheereyaasha arrimaha badaha.

Warka ku saabsan in ay sumoobeen kalluumaysatadu oo aan waydiinay wasaaradda ayay ku tilmaameen waxba kama jiraan iyaga oo ku adkaystay kaliya in Kaluumaysatadu ay adeegsadeen "Hoon-Nuug" oo aan loogu talo gelin Badda gunteeda.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka badda dowladda Puntland ayaa waxay ku doodey in ay mamnuucday "Hoo-nuug" 12 Oct 2020 iyada oo mar kale ku celisay mamnuucista bishii Febraayo ee sanadkii 2022-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM