Xaalada ka dhex-taagan Deni iyo Karaash oo war cusub laga soo saarey

Image

GAROWE, Puntland – Ururada bulshadda rayidka ee ka jira Puntland ayaa war-saxaafadeed kasoo saarey xaaladda ka dhex-taagan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan [Karaash].

Faysal Axmed Warsame [Qaran], gudoomiyaha daladda PUNSAA, ayaa shaaciyey in "khilaafka uusan ahayn mid shaqsi ah iyo mid saameynaya horumarka iyo wada shaqeynta Puntland".

Mr Qaran oo xalay qaybo kamid ah warbaahinta kula hadlay magaala madaxda Garowe ayaa carabka ku dhuftay in "is-mari-waaga" labada mas'uul ay salka ku hayo arrimo maamul.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu cod dheer daaha uga rogay in kulan ay la yeesheen Deni iyo Karaash "una caddeeyeen in ay ka go'an tahay xalinta is-faham-waagaas".

Saxaafadda gudaha ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan buunbuuninta xaaladan, isagoo dadweynaha ugu bishaareeyay in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan ku maqli doonan "war wanaagsan".

Gudoomiye Faysal oo ka jawaabay su'aal laga waydiiyey qaabka loo dhameyn doono ayaa xusay in loo mari doono wadahadalo iyo kulamo fool ka fool ah oo Deni iyo Karaash yeeshaan.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayuu uga mahadceliyey qaabka wanaagsan oo ay u soo dhaweeyeen iyo ogolaanshiyahooda kulanka ay la yeeshaan "si loosoo afjaro arrintaan oo mudooyinkii dambe taagneyd".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM

Dowladda Puntland oo shirkadaha kala hadashay maareynta qashinka

Shirkadaha biyaha sifeeya iyo shirkadda Daryeel Degaan ayaa kulankan kasoo dhex-muuqdey.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 06:44AM