Xaaladaha isbadalka sarifka Lacagaha ee Puntland oo laga shiray

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan xog-werysi ah la yeeshay Wasaaradda Maaliyadda & Bangiga dhexe ee Dawladda.

Kulanka yaa ujeedadiisu ahayd xaaladaha isbadalka sarifka Lacagaha taas oo ay cabashooyin kasoo gudbiyeen qaybo kamid ah shacabka Puntland.

Wasaarada Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee Dawladda ayaa Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka warbixin kasiiyey xaalada isbadal ee sarifka lacagaha iyo waxa uga qorsheysan waxka-qabashada isbadalkaas.

Dhinaca kale Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka waxaa uu Talo iyo tusaalaba ku biiriyey sida ugu haboon ee wax looga qaban karo Isbadelka Sarifka lacagaha, iyadda oo dhawaan la filayo in Golaha xukuumaddu go’aan ka qaadato arrimahaas.

Dhanka kale, Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladdaha Hoose iyo horumarinta reer miyiga ee Golaha Wakiillada DPL ayaa kulan xarunta Golaha Wakiillada kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda DPL Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda DPL ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay June illa September 2020 iyo weliba caqabadaha jira, isaga oo sidoo kalena, su'aalo laga weydiiyay arrimaha uu ka hadlay, isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda ayna doorkooda ka qaadanayaan.

Kulanka Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo hor-marinta reer miyiga ee Golaha Wakiillada DPL ay la qaateen Wasiirka Wasaaradda ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Golaha Wakiillada DPL ee la socoshada Hay'adaha fulinta dalka.

Geesta kale, Guddiga Golaha Wakiillada Dawladda Puntland u xil-saareen inay ka soo talo-bixiyaan soona lafa guraan cabashooyinkii ay Golaha Wakiillada u soo gudbiyeen Hay’adda Horumarinta Waddooyinka iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka DPL fadhigii 3aad ee Guddiga joogtada ayaa maanta kulan la qaatay Hay’adahaas.

Guddiga ayaa xarunta Golaha Wakiillada kulan kula qaatay Madaxda Hay’adda Horumarinta Waddooyinka iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka DPL si ay xog-dheeraad ah uga helaan Cabashooyinkooda oo ku saabsanaa in aysan helin khidmadihii loogu jideeyey xeerarka ay ku dhisan yihiin kuna fulin lahaayeen waajibaadkooda shaqo.

Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay la xiriira shaqadaha hay’adahaas iyo jiritaan cabashooyinka ay u soo gudbiyeen Golaha Wakiillada. Guddiga ayaa warbixintooda dib-ugu celin doona fadhiga 5-aad ee Guddiga joogtada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Baarlamaanka Puntland + GO

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM