Xafiis xoojinaya xiriirka Soomaaliya iyo India oo laga furay Garowe

Image
Image

GAROWE, Puntland – Dowladda India ayaa shalay waxay magaala madaxda Puntland ee Garowe ay ka hirgelisay xafiis la tilmaamay in uu qaban doono howlo muhiim ah.

Xafiiskaas oo la sheegay in uu xoojinayo cilaaqaadka Hindiya iyo Soomaaliya ayaa loogu adeegayaa muwaadiniinta Hindida ah.

Baadiyahooda gaarka ah oo ay kolkii hore u aadi jireen magaalada Garowe ayaa qorshuhu yahay in loogu qabto xafiiska.

Munaasabadda xarig jarka waxaa kawada qeybgalay Wasiirka Qorsheynta Puntland iyo dajiraha India ee Soomaaliya.

Cabdiqafaar Cilmi Xaangi, wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Xiriirka Caalamka ee Puntland, ayaa farxad ka muujiyey arrintaan.

Mr Xaangi oo wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in sidoo kale uu safiirku balanqaadey deeqo waxbarasho oo ay siinayaan ardayda Puntland.

Dhinaciisa, danjire Shri Rahul Chhabra ayaa ku nuux-nuux saday in ay sii wadayaan taageeradda Umadda Soomaaliyeed.

"Maadaama Garowe tahay magaalo u dhaxeysa Soomaali oo dhan waxaan rajeynayaa in wax badan uu bedeli doono xafiiskaan," ayuu yiri.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta ayaa tibaaxay in la fududeyn doono dal ku galka India gaar ahaan Caafimaadka, Dalxiiska iyo Waxbarashadda laga qaato Garowe, wixii haatan ka dambeeya.

Shaqadaas oo kolkii hore loo aadi jiray Nairobi maadaama India aysan safaarad ku lahayn Muqdisho marka laga reebo Qunsulyad ayaa si horudhac ah loo bilaabay, wallow la horumarin doono.

Talaabooyinkaan ayaa qeyb ka ah is-afgaradyo ay isla meeldhigeen madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Chhabra, oo sanadkii hore socdaal noocaan ah ku tegay Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM