Xafiiska la daagallanka Burcad Badeeda Puntland oo ku dhawaaqay banaan bax

Image

04 November, 2015(GO)-Agaasimaha hay’adda la dagaallanka Burcad Badeeda Puntland Cabdirasaaq Maxamed Dirir Ducaysane ayaa manta iclaamiyay inay dhawaan qaban doonaan banan bax looga soo horjeedo Jariifka lagu hayo biyaha Puntland.

Ducaysane ayaa sheegay inay horay u direen baaqyo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa Jariifka lagu hayo xeebaha iyo sidii looga cawin lahaa Somalia inay iska difaacaan marakiibta shisheeye.

Agaasimaha oo la hadlay Radio Garowe, ayaa xusay in Madaxweynaha Somalia kala xaajoon doonaan sidii uu beesha caalamka ugala hadli lahaa wax ka qabashada arrintan, maadama horay madaxweynihii Somalia Sheekh Sharif Sheekh Axmed, Qarmada Midoobay u diray qoraal uu ku codsanayay in biyaha Somalia laga waardiyeeyo maraakiibta Jariiflayaasha ah.

Ducaysane, ayaa xusay inay dhawaan qaban doonaan shir weyn oo looga hadlay sidii arrintaasi laga yeeli, kaasi oo ka qayb galayaan gudoomiyaasha degmooyinka, bulshada rayidka ah iyo mas’uuliyiin.

Jariifka lagu hayo xeebaha Somalia, gaar ahaan Puntland, waxaa ka dhashay Burcad badeed, waxaana hadda laga cabsi qabaa inay dib u soo laabtaan madaamada Jariifku sii badanayo.

Xukuumadda Madaxweyne Gaas oo Jariifka ku tilmaamtay masiibo qaran ilaa hadda wax tallaabo ah kama qaadin, waana tan keentay in maamulka xeebaha Puntland ku dhawaaqaan inay iskood isu abaabuli doonaan si ay ula dagaallamaan Jariiflayaasha shisheeye.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM