Xafiiska la dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland oo u yeerey madaxda Hay'ada qandaraas bixinta

Image

GAROWE- Qoraal kasoo baxay Xafiiska la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Puntland ayaa waxa uu ku wargeliyey madaxda Hay'adda Qandaraas bixinta u qaabilsan Puntland inay yimaadaan xafiiska si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira musuq maasuq iyo maamul xumo soo wajahdey xafiiska ay maamulaan.

Masuuliyiinta looga yeeray xafiiskan la dagaalanka musuq maasuqa oo la ballamiyey inay xafiiska tagaan Isniinta (10April 2017), waxaa ay kala yihiin 

1-Ibraahim Axmed Cumar oo ah gudoomiyaha Hay'adaan.

2- Axmed Khaliif Gudoomiye ku xigeenka Hay'ada qandaraas bixinta.

3-Isxaaq Shiikh Cabdisalaan Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada u qaabilsan xafiiskaan.

4-Cabdiqani Faarax Dhaashane xoghayaha Hay'ada.

Guddiga qandaraasyada ayaa intooda badan waxay ku maqan tahay dalka Imaraadka Carabta halkaasoo la sheegey iney kaga qayb galayeen xaflad lagu saxiixayey heshiiska dekada Bossaso lagu dhisayo.

Howlwadeenadaan loo yeerey ayaa intooda badan waxaa xilalka u magacaabey Madaxweynaha dowlada Puntland.

Gudigaan ayaa inta ay shaqada hayeen ayaa waxa ka imaanayey cabashooyin ku saabsan musuqmaasuq lagu sameeyey nidaamka qandaraasyada Puntland..

Xafiiska la dagaalanka Musuqa ayaa ah markii ugu horeysay ee uu u yeero saraakiil ka tirsan dowlada kuwasoo wax laga waydiinayo howlo la xiriira Musuqmaasuqa

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM