Xafiiska xaquuqul aadanaha Puntland oo 7-bilood mushahar qaadan

Image

06 December, 2015(GO)- Gudoomiyaha xafiiska xaquuqul aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali oo maanta Baarlamaanka ka hor akhriyay mudadii uu xafiiskan jiray wixii u qabsoomay ayaa dowlada ku dhaliilay wax ka qabasho la'aanta dhibaatooyinka loo gaysto barakacayaasha iyo qaxootiga.

Khudbadiisa oo socotay in ka badan 15-daqiiqo ayuu Maxamed Yuusuf kaga hadlay xaalada xaquuqda aadanaha Puntland, wuxuu dowladda Gaas ku dhaliilay inaysan waxba u qaban dadka naafada ah iyo danyarta ayna dhibaatooyin kala duwan lasoo darseen.

Dadka deegaanka ayuu tilmaamay masuulkani inay dhibaatooyin u gaystaan barakacayaasha iyo qaxootiga ku nool Puntland arrintaasina ay u baahan tahay in wax laga qabto sidoo kale hay'adaha ammaanka ayuu sheegay inay dhibaatooyinkaasi qayb ka yihiin isagoo tusaale usoo qaatay askari wiil jira 12-sano ku dhaawacamay kaab barakacayaal oo ku yaala Garowe.

Marka laga tago tacadiga loo geysto dadka u dhugul iyo wax u qabasho la'aantooda, waxa uu cadeeyay in dowladda ka helin mushahar dhan 65-kun mudo todobo bilood ah, mudaddii uu xafiisku jirayna uu helay mushahar dhan 46-kun oo shan bilood ah.

Waxa uu Baarlamaanka usoo jeediyay talooyin ku aadan in la sameeyo xeerar si gaar gaar ah uga hadlaya xaquuqda bini'aadanimada.

Hadalka Cali ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Gaas shillin Soomaali ay ku daabacdey Bosaso la galiyay suuq-yada kuwaasoo saamayn ku yeeshay ganacsiga dadka..

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM