Xafiisyadda ururada siyaasada Puntland oo qiimeyn lagu sameynayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa bilaabay qiimeyn uu ku sameynayo xafiisyadda ururadda siyaasadda goboladda; xubno ka tirsan guddiga ayaa mid-mid u kormeeraya xafiisyadda ururada.

Qiimeynta oo bilooyinka soo aadan la filao in ay socoto ayaa ka bilaabatay gobolka Nugaal oo ay ku taalo magaala madaxda Garowe.

Jaamac Xirsi Faarax, gudoomiye ku xigeenka guddigan ku meelgaarka ah iyo xubno uu horkacayo, ayaa kormeeray xafiisyada sideed urur siyaasadeed ku leeyihiin magaalada Dhahar, xarunta gobolka Haylaan.

Cabdirisaaq Axmed Ciise, xubin ka tirsan guddiga qaybna ka ahaa kormeerka, ayaa warbaahinta la hadlay, isagoo ka warbixyey shaqadooda.

Ciise oo xaqiijiyey in ay xogo badan kasoo uruuriyeen xafiisyada ayaa xusay in qiimeyntooda ay salka ku hayso qaabka ay u shaqeeyaan, hubinta taageereyaasha iyo qeybta ugu dambeysa oo ah shir-weyneyaasha.

Wejiga koowaad ee haatan ay wadaan ayuu ka dhawaajiyey in ay ku saabsan tahay xaqiijinta xafiisyadda ururada siyaasadda.

"Guud ahaan wax fiican baan kusoo aragnay, gobolo kale iyo degmooyin kale waan u sii gudbi doonaa, Insha Allah," ayuu yiri.

Faarax oo tibaaxay in ay hirgelayaan qaar kamid ah shuruudihii ay hor-dhigeen ururada siyaasadda gaar ahaan furashada xafiisyadda ayaa rajeeyay in gobolada kale oo ay booqan doonan ay wax qabad kala kulmaan.

"Waxaad moodaa in shacabka Puntland iyo urur siyaasadeedkooda in ay diyaar u yihiin in barnaamijkan geedi u socodkan horey loogu socdo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Faarax oo rajo fiican muujiey.

Guddiga doorashooyinka ku meelgaarka ah ee Puntland ayaa u xilsaaran in ay coddeynta soo aadan noqoto mid qof iyo cod ah, taas oo soo afjareysa nidaamka qeybsiga beelaha 4.5 oo maamulkan kusoo dhaqmayey.

Sikastaba ha ahaatee, dowlada Puntland oo horey hormuud ugu noqotay hirgelinta nidaamka federaaleynta Soomaaliya ayaa kolkaan xusul-duub ugu jirta in ay u gudubto nidaamka dimuqraadiyadda ee xisbiyada badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM