Halka lagu dooranayo gudoonka guddiga doorashada Puntland?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Is-maan-dhaaf ayaa waxaa lagu waramayaa in uu ka taagan yahay in guddoonka guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland lagu doorto caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sida ay GO u sheegeen qaar kamid ah xubnahan Puntland oo sababo ku aadan in aan loo ogoleyn in ay la hadlaan warbaahinta uga gaabsadey magacooda, waxaa soconaya dedaalo xal looga gaaro arrintan.

"Illaa haatan ma jiro wax kala tag ah ama is-faham oo arrintaan laga gaarey. Hase ahaatee, waxaa soconaya wadahadal lagu goobayo arrintaas," ayuu ku daray xubinta ka cudurdaaratay in magaceeda lasoo xigto.

Maadaama ay yihiin heer dowlad goboleed, guddiga oo wadar ahaan ka kooban sideed xubnood oo lasoo magacaabay ayaa codsan kara in guddoonkiisa uu ku doorto magaala madaxda Puntland ee Garowe.

Dhanka kale, wali ma cadda haddii xubnaha dowlada Jubaland ay mowqif ahaan lamid yihiin kuwa Puntland. Dedaalo Garowe Online ku doonayay in uu ku haleelo xiriirka xubnaha maamulka Kismaayo ma guuleysan.

Maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa Isniinta maanta ah waxay Muqdisho ku doorteen guddoonka guddiyadooda maamulaya xulista xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka dalka.

Sida muuqaneysa, waxaa kaliya haatan harsan Jubaland iyo Puntland oo su'aallo dul-hooganayaan iyo HirShabelle oo warar soo baxaya ay xusayaan in ay u badan tahay in berri doortaan guddoonkooda saxda ah.

Sikastaba ha ahaatee, sida loogu kala adkaadey guddoonka guddiyada heer federaal iyo heer maamul goboleed ee doorashooyinka ayaa la rumeysan yahay in ay sawir-guud ka bixinayaan loolanka coddeynta nagu soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM