​Xarunta Xannaanada Carruurta Al Suhuur oo xaflad u qabatay Arday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Xarunta Xannaanada Carruurta Al Suhuur ayaa magaalo Madaxda Puntland ee Garowe xaflad ugu qabatay qaar kamid ah ardayda wax ka barata dugsigaas, kuwaas oo qaybtood ka qalin jabiyeen.

Munaasabad ka dhacday xarunta jaamacadda Bosaso faraceeda Garowe, ayaa shahaadooyin kala duwan lagu guddoonsiiyay 30 kamid ah dhallaanka wax ka barta xarunta Al Suhuurta taasoo lagu dhiiri-galinayay.

Xafladda waxaa kasoo qayb galay guddoonka waxbarashada gobolka Nugaal, maamulka xarunta Al Suhuur iyo qaar kamid ah Waalidiinta carruurtoodu wax ka bartaan machadkaasi.

Mamulaha xarunta Al Suhuur Dr; Ayaan Maxamed Cali, ayaa sharaxaad ka bixisay munaasabada loo qabtay carruntan, waxayna sheegtay in machadku bixiyo adeegyo kala duwan taasoo muhiimadoodu tahay in lagu bar-baariyo aqoon wanaagsan ubadka soo koraya si ay dugsiyada hoose u tagaan iyagoo ka carbisan dhinaca aqoonta iyo aadaabta.

Ayaan ayaa sheegtay in xafladda loo qabtay carruurta xarunta Al Suhuur wax ka barata gaar ahaan saddex Arday oo ka qalin-jabiyay machadka kuwaasoo u baramoosay dugsiga hoose.

Qaar kamid ah waalidiinta carruurtoodu wax ka dhigtaan Al Suhuur, ayaa ku ammaanay xaruntaas wax-barashada iyo qaabka wanaagsan ee ay u kobciyaan dhallaanka, waxayna soo jeediyeen in dedaalkaas horay loo sii wado.

Machadkan ayaa muddo ka furnaa magaalada Garowe, waxaana wax ka barta dhallaan kala duwan, waana xaruntii ugu horaysay nooceeda oo xaflad sidaan oo kale ah u qabata ubad aad u yar-yar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM