Xasaanad ka xayuubinta 8-da Xildhibaan oo la ayiday

Image

GAROWE, Puntland – Maxkamadda Sarre ee dowladda Puntland ayaa Axada maanta ah waxay si rasmi ah u ayiday xasaanad ka xayuubinta sideeda Xildhibaan ee ka tirsanaa Golaha Wakiiladda.

Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda, go'aanka uu baarlamaanka xasaanadda uga qaadey mudaneyaasha 3-dii bishaan December ayaa loo maray hanaan sharci ah.

Xeer-beegtadda oo amar ku bixisay in si deg-deg loo diyaariyo bedelka sharci-dejiyeyaasha ayaa fartay in aysan dib dambe ugu soo laaban karin dhamaan fadhiyada soo aadan ee Golaha.

Qoraalkan ku taariikheysanaa 13-ka bishan December, 2020 waxaa lagu qeexay in Xildhibaanadda "ay ku cadaatay eedeymaha kaga yimid xeer-ilaalinta" oo ahaa jebinta dastuurka iyo xeer-hoosaadka.

Xildhibaanadda ayaa waxaa la faray in magdhow ay ka bixiyaan qalab kala duwan oo ay waxyeello gaarsiiyeen, wallow aan la fahfaahin agabkaas iyo meesha ay dhibaataddaas ugu geysteen.

Xildhibaanadda xasaanadda laga qaadey ayaa kala ah; Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore), Muuse Siciid Xassan (jejebsay), Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin.

Go'aanka maxkamadda sarre waxaa ku saxiixan dhamaan shanta garsoore ee ay ka kooban tahay taasoo la macno ah in uu kusoo baxay qaab wada-ogol ah ayna tahay in uu si deg-deg ku dhaqan-galo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM