Xasaanad ka xayuubinta 8-da Xildhibaan oo la ayiday

Image

GAROWE, Puntland – Maxkamadda Sarre ee dowladda Puntland ayaa Axada maanta ah waxay si rasmi ah u ayiday xasaanad ka xayuubinta sideeda Xildhibaan ee ka tirsanaa Golaha Wakiiladda.

Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda, go'aanka uu baarlamaanka xasaanadda uga qaadey mudaneyaasha 3-dii bishaan December ayaa loo maray hanaan sharci ah.

Xeer-beegtadda oo amar ku bixisay in si deg-deg loo diyaariyo bedelka sharci-dejiyeyaasha ayaa fartay in aysan dib dambe ugu soo laaban karin dhamaan fadhiyada soo aadan ee Golaha.

Qoraalkan ku taariikheysanaa 13-ka bishan December, 2020 waxaa lagu qeexay in Xildhibaanadda "ay ku cadaatay eedeymaha kaga yimid xeer-ilaalinta" oo ahaa jebinta dastuurka iyo xeer-hoosaadka.

Xildhibaanadda ayaa waxaa la faray in magdhow ay ka bixiyaan qalab kala duwan oo ay waxyeello gaarsiiyeen, wallow aan la fahfaahin agabkaas iyo meesha ay dhibaataddaas ugu geysteen.

Xildhibaanadda xasaanadda laga qaadey ayaa kala ah; Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore), Muuse Siciid Xassan (jejebsay), Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin.

Go'aanka maxkamadda sarre waxaa ku saxiixan dhamaan shanta garsoore ee ay ka kooban tahay taasoo la macno ah in uu kusoo baxay qaab wada-ogol ah ayna tahay in uu si deg-deg ku dhaqan-galo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM