Xasan Goodir "Askarta Garowe fowdada ha joojiyaan"

Image

5 October, 2015 (GO)- Duqa degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise "Goodir" ayaa ugu baaqay saraakiisha amaanka inay xakameeyaan askartooda fowdada ka wada  caasimada Puntland, kuwaas oo uu sheegay inay si mas'uuliyad darro  ah xabado aan loo meel dayin iska ridayaan.

Duqa ayaa hadalkan ka jeediyay munaaasibad lagu soo xirayay kalfadhigii koowaaad ee golaha deegaanka Garowe.

Goodir ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamtay soo noqnoqashada arrintaan, isagoo sheegay inay sumcad xumo iyo magac dil ku tahay caasimada Puntland ee Garowe  oo aan horey looga baran waxyaabaha caynkaan oo kale ah.

"Magaaladan caasumada ah waxay u baahan tahay in aanu ka wada shaqeeyo, waxayna marti u tahay dadka reer Puntland, qofkii hal xabad ka rida dhexdeeda wuxuu dhaawac u gaystay horumarkeeda, shakina kuma jiro garaadkeeda inuu hoos u ridayo, waxaan codsanayaa in xabadda laga daayo magaalada, in ciidamada madaxdooda ay fowdada ka daayan magaalada intii horre ayaa ugu filan" ayuu yiri Xasan Goodir.

 Duqa caasumada Puntland Xasan Goodir wuxuu sheegay inaysan u dul qaadan doonin in la xumeeyo nabad galyada Garowe, isagoo hoosta ka xariiqay inay tahay magaalo caan ku ah nabada, isla markaana  astaan u ah jiritaanka Puntland. 

Habeenadii ugu danbeeyay magaalada Garowe ee caasumada Puntland ayaa laga maqlayay xabad, taasoo ka dambeeyeen ciidamo gadoodey kuwasoo ka cabanayey mushahar la'aan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM

Soomaaliya: Hoggaamiyaha Daacish oo La La’yahay Iyadoo Kooxdiisa looga adkaadey Dagaalka Cal-Miskaad  

Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii hore si maldahan u sheegay in Muumin laga yaabo in la dilay.

  • Puntland

    22-10-2025

  • 06:06PM