Xasan Sheekh oo baaq kasoo saarey shaqaaqada ka dhacdey Garowe

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay kaalin ay qaadan karto dowladda federaalka Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey muwaadiniinta birmo-geydada ah ee ku nafwaayey dagaalka maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad-goboleedka Puntland.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa, sidda ay shaacisay Villa Soomaaliya, waxa uu ku celiyey baaqiisa ku aaddanaa in la tixgeliyo rabitaanka dadwenaha, lagana fogaado in xalka lagu raadiyo qori iyo rasaas.

Dadka Soomaaliyeed ayuu carabka ku adkeeyay in aysan xamili karin colaad cusub oo laga huriyo deegaannadii ku tilmaamnaa nabadda iyo xasilloonida.

Dowladda ayuu ka dhawaajiyay in ay la tacaaleyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo nabadeynta deegaannada ay horey u saameeyeen dagaallada sokeeye.

Odeyaasha dhaqanka Puntland ayuu ka codsadey in ay u istaagaan xallinta dhibaatada taagan, maadaama ay aas-aas u yihiin dowladnimada iyo xasilloonida Puntland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada caasimada Muqdisho ayuu ku nuux-nuux-sadey in ay diyaar la tahay waxii looga baahdo ee fududeynaya nabadenyta iyo xallinta khilaafka ka taagan Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM