Xasan Sheekh oo Puntland ku bogaadiyey "xakameynta" ISIL

Image
Dagaalameyaasha la magacbaxay 'Dowlada Islaamka' ayaa si dhuumaaleysi ah uga howlgala buuraha Galgala.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu bogaadiyey xeeladda ay ciidamadda Puntland u wajaheen "xakameynta dhaqdhaqaaqa maleyshiyaadka Daacish".

Isaga oo Soomaalida Mareykanka kula hadlaayey magaaladda Washington, dagaalameyaasha ISIL ayuu xaqiijiyey in ay "joogaan gudaha Muqdisho" balse "ay ku xoogan yihiin" qaybo kamid ah Puntland.

Sida laga soo xigtey Xasan Sheekh, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka shaqeyn doonto sidii ISIL looga looga ciribtiri lahaa buuraha ay ku dhuumaaleystaan ee degaanadda Puntland.

"Nimanka la yiraahdo ISIL xamar waa joogaan, waa ku dhuuntaan laakiin xoogooda waa buuraha Badda Cas kusii jeeda ee Galgala iyo meelaha lamid ah; buurahaas ayay saaran yihiin," ayuu tibaaxay.

Wuxuu raaciyey: "Arrinta wanaagsan waxay tahay in ciidamadda Puntland ay sameeyeen aag marka ay dhulka u soo dagaan ay adag tahay in ay dadka si fudud ku dhex-galaan".

"Laakiin waa bini'aadam mararka qaar waxaa laga yaabaa in ay kusoo dhex-dhuuntaan dadka oo ay soo dusaan. Laakiin nimankaasi wali buuraha lagu haayaa, buurahana waa loogu tagu doonaa," ayuu xusay.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli ISIL ay shalay dusha saaratay mas'uuliyadda weerar qarax oo lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan ciidamadda sirdoonka kaasoo ka dhacay degmadda Shibis ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM