Xasan Sheekh oo u xog-waramay Jaaliyadda Imaaraadka Carabta

Image
Image
Image
Madaxweynaha ayaa xubnaha jaalliyadda kula dardaarmay xoojinta midnimadooda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isaga oo la wadaagay dadaalka ay Dowladda Soomaaliya galineyso xoojinta xiriirka Imaaraadka, taas oo ka dulqaadaysa caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga xog warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha, horumarinta bangiyada, maalgashiga dalka, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah.

"Kulanka aan la qaatay Madaxweynaha waxyaabaha ugu horreeyey ee aan kala hadlay waxa ay ahaayeen fududeynta sharciyada, dal ku galka iyo guud ahaan isu-socdka muwaadiniinta, isla markiiba Madaxweynaha Imaaraadka waxa uu amray in Safaaraddooda magaalada Muqdisho ay dadka Soomaaliyeed si toos ah uga soo qaataan fiisaha. Sidoo kale, dhammaan caqabadaha kale ee jira waxaan isku raacnay in la xalliyo oo guddiyo farsamo ay ka shaqeeyaan fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, bangiyada, maalgashiga iyo sharciyada," ayuu yiri.

Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga war-bixiyeen xaaladda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyaga oo sheegay xiriirka labada dal ee xumaaday sanadihii la soo dhaafay in uu saameyn weyn oo dhaqaale ku yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed, waxa ayna uga mahadceliyeen Madaxweynaha  mudnaanta uu siinayo hagaajinta xiriirka muhiimka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xubnaha jaalliyadda kula dardaarmay xoojinta midnimadooda iyo in ay is-caawiyaan, isla markaana ay si wanaagsan kula noolaadaan shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM