Xasan Shire: Deni waxaan isku fahmi weynay kala qeybinta Puntland

Image
Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland ayaa maanta wuxuu ka hadlay munaasabad uu xilka ku wareejiyey.

GAROWE, Puntland - Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo maanta ka hadlay munaasabad uu xilka ku wareejinayay ayaa faahfaahiyay sababihii ay ku kala tageen madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni. 

Abgaal ayaa sheegay in madaxweynaha ay wada socdeen muddo 3 sano iyo bar ah, uuna ahaa qofkii koowaad ee taageeray Deni, islamarkaasna u ahaa ciidamada lugta ee siyaasadiisa, isaga oo ka sheekeeyay hawlihii uu qabtay. 

Waxa uu tusaale usoo qaatay dhismihii ururka Kaah ee madaxweynaha iyo kaalintii uu ku lahaa. 

Xasan Shire ayaa sheegay in khilaafka isaga iyo madaxweynaha uu ka biloowday damicii Deni ee musharaxnimada Federaalka , balse markii uu madaxweynaha soo noqday uu khilaafka kasii daray. 

Wuxuu sheegay in madaxweynaha uu la yimid qorshe ah in 12 degmo uun laga qabto doorashada Golaha Deegaanka, sidaasna lagu soo saaro 3 xisbi siyaasadeed, iyada oo laga tagayo 2 gobol oo ka mid ah Puntland. 

Wuxuu ugu baaqay 26-da xildhibaan ee kasoo jeeda goboladaas laga tagayo ay ka dhiidhiyaan arrinka. 

Dhanka kale , Abgaal ayaa hadal hawada u mariyay wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxaa, isaga oo xusuusiyay hadalo uu horey u yiri oo ahaa in doorashada golaha deegaanka ay saqiirtay “ilmaha marka uu saqiiro waa la duugaa, marka Juxaa hadda miyaad soo faagtay maydkii?”, ayuu weeydiiyay. 

Wasiir Hore Abgaal ayaa wasiir Juxaa ku dhaliilay hadal uu yiri oo ahaa in uu odayaasha dhaqanka ku tilmaamay qoowsaaro, sida uu u fasiray Xasan Shire. Abgaal ayaa sheegay in uu u taagnaan doono difaaca Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM