Xayiraad la saarey hoteelladda Boosaaso xilli ay xiisad jirto

Image
Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa sheegay in uu mamnuucay "shirar ah oo aan la soo ogeysiin".

BOOSAASO, Puntland - Gudoomiyaha gobolka Barri ayaa kusoo rogey hotelada magaalada Boosaaso xayiraad ah in lagu qaban wax shirar ah oo aan la soo ogeysiin, sidda ay muujineyso warqad uu arkay bogga Garowe Online.

Xanibaadaan ayaa imaanaysa xilli madaxweyhaha xiligiisu gabaabsiga yahay ee Puntland uu rabo in diwaan-galinta doorashooyinka golayaasha degaanka ee lagu muransan yahay uga qabto gobolada Barri, Gardafu iyo qaybo kamid ah gobolka Karkaar.

Ururada siyaasadda gaar ahaan kuwa diidey in diwaan-galin hal dhinac laga qabto Puntland ayaa aad uga caroodey talaabadaan waxaana ay sheegeen in ay tahay isku-day caburin.

Madasha Siyaasiyiinta Puntland ayaa maanta looga dhawaaqay magaaladda Garowe. Musharaxiintan madaxwayne ayaa xukuumadda Deni ku eedeeyay "marin-habaabinta" iyo "leexinta" dhabaha dimuqraadiyada.

Talaabadan ayay ka digeen in ay keento firaaq dastuuri ah. "Diiwaan-gelinta hubeysan" ayay dalbadeen in la joojiyo. Beesha Caalamka ayay ku waaniyeen "in aysan taageerin geedi-socod horseeda xasilooni daro".

Mar ay ka hadlayeen xaaladda Laascaanood ayay sheegeen "Madashu waxay canbaaraynaysaa xasuuga lagu hayo shacabka magaalada Laasaanood o maamulka Somaliland si xoog ah ku haysto".

"Madashu waxay ka tacsiyeynaysaa dada sida arxan darrada ah magaalada loogu laynayo. Madashu waxy ugu baaqaysaa xukuumadda iyo shacabka Puntland in ay garab istaagaan kacdoonka shacabka reer Sool," ayay raaciyeen.

HOOS KA AKHRISO WARQADDA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM