Xayiraad lagu soo rogay isu-socodka SSC-Khaatumo iyo Somaliland

Image
Talaabadan ayaa uga sii dari doonta dhibaatada dhaqaale ee maamulka Hargeysa uu haatan dareemayo.

GAROWE, Puntland - Guddiga 33-da Aayo ka tashiga SSC-Khaatumo ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaanba ay joojiyeen isku-socodka gaadiidka iyo dadka ee SSC-khaatumo iyo Somaliland.

Wixii ka danbeeya Sabtida soo socota oo ay taariikhdu tahay 15 April, 2023 ayay sheegeen in aan la ogolaan doonin in deegaanadooda ay maraan gaadiid ama dad ka yimid Somaliland ama kusii jeeda.

Gudoomiye xigeenka guddiga Aayo ka tashiga SSC-Khaatumo, Maxamuud Salaad ayaa yiri: "15 bisha wixii ka danbeeya cidii wadadaas isaga soo dirta gaadiidkeeda iyada ayaa ka masuul ah cid loo raacanayaana ma jirto".

Sidoo kale, gaadiidkii Basaska ee loo yaqaan "Groupyada" ee isaga kala gooshi jiray Puntland iyo Somaliland ama deegaanada SSC-khaatumo iyo Somaliland ayaa gebi ahaanba la mamnuucay, sidda ay guddigu sheegeen .

"Dadka xitaa waa la joojiyay cid nimankaas u socota oo dhulkayaga mari kartaa ma jirto," ayuu hadalkiisa sii raaciyay gudoomiye xigeenku oo war qoraal ah soo saarey.

Dhawaan wasiirka Beeraha Somaliland ayaa golaha wakiilada ka hor sheegay in hoos-u-dhac uu ku yimid dekedii Berbera iyo dhaqaalihii Somaliland isla markaana uu dagaalka Laascaanood saameeyay.

Dhawr baabuur oo xamuul kasoo qaaday dekedda Berbera kuwaasi oo ku xanibnaa kantaroolka galbeed ee Laascaanood ayaa la filayaa in lasii daayo kahor inta uusan dhaqan-gelin amarkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM