Xayiraadii DF ee ardayda Puntland oo la siyaasadeeyay

Image

GAROWE, Puntland - Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Puntland ayaa Axada maanta ah waxay shaacisay in ay is-afgarad kala gaartay dowladda federaalka ah in ardayda maamulkan ay helaan shahaadada Qaranka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda laguna daabacay bogga ay ku leedahay Facebook ayaa lagu soo bandhigay qodobo oo lagu waramay in ay kasoo baxeen wadahadalo la xusay in ay yeesheen dhinacyadda.

Go'aanadda la sheegay in ay isla qaateen waxaa kamid ahaa in ardayda Puntland ay ka heli karaan shahaadada dugsiga sare xarumaha wasaaradda ee Garowe iyo Muqdisho, iyo in la isugu yimaado shir looga tashanayo tacliinta dalka.

Shaacintan ayaa kusoo hagaageysa xilli uu Garowe ku sugan yahay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo wafdigiisa ay kamid yihiin Wasiirka Tacliinta federaalka, Cabdullaahi Abuukar Xaaji [Carab] iyo Wasiiru dowlihiisa, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle [Jaabir].

Mr Jaabir oo kamid ah baarlamaanka federaalka lagana soo doorto Puntland, ayaa la rumeysan yahay inuu heshiiskaan dabada ka riixayo madaama uu raadinayo in dib loogu doorto kursiga beeshiisa isagoo raba inuu mar kale ku matalo Puntland. 

Talaabadaan ayaa cadeyneysa inuu ahaa shaqsiga ka dambeeyey heshiis xumadii u dhexeysay labada Wasaardood mudadii uu xilkaan hayey.

Wasiiru dowlaha waqtiga kasii dhamaanayo oo kamid ah mudaneyaasha aadka ugu dhow madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaan waxba ka qaban qadiyadan mudadii uu xilka wasiirka wasaaradda uu hayey Cabdullaahi Goodax Barre.

Dastuurka ku meelgaarka ah ayaa maamulada wuxuu u ogolaanayaa in ay si gaar ah u maamushaan arrimo ay waxbarashadda kamid tahay. Balse madaxda federaalka waxay u cunaqabateeyeen ardayda Puntland dano siyaasadeed.

Warqadda wasaaradda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM