Xeer ilaaliyaha Gardafuu "Xukunka doonyahaasi waa waxba kama jiraan"

Image

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda gobolka Gardafuu ayaa ka hadlay xukun lagu riday doonyo dhawaan soo qabteen ciidamada badda Puntland PMPF, kuwaas oo lagu xukumay lacago ganaax ah.

Saddex dooni oo laga leeyahay dalalka Iran iyo Yemen, ayaa xeer ilaalintu sheegtay in wasaaradda Kalluumaysiga Puntland ku xukuntay ganaaxyo cadadkoodu u dhaxeeyaan 1,000 ilaa 3,000 oo dollar.

Cabdicaasiis Xuseen Bile, Xeer ilaaliyaha Maxkamada gobolka Gardafuu oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in wasaaraddu ku tumatay qodobo badan oo dastuuri ah, wuxuuna sheegay inay xukuntay doonyo aan la gayn maxkamad.

Wuxuu sheegay in xiriiro uu la samayay mas'uuliyiinta wasaaradda u suura gali waayeen caqabado dhawr ah dartood, wuxuuna xusay  in tallaabadan ay tahay mid qaldan oo wasaaradda Kalluumaysiga sharciyaysatay.

Xukunka doonyahaasi lagu qaaday ayuu xeer ilaaliyuhu tilmaamay inay tahay waxba kama jiraan, isagoo codsaday cidii ku tumata sharciga in la horgeeyo maxkamad.

Dhinaca kale, wuxuu cabasho ka muujiyay inaysan garsoorayaasha gobolkaasi lahayn xafiisyo,  isagoo taa badalkeeda sheegay in wax lagu xukmiyo geed hoostiis.

Xiriir Warsidaha Garowe Online la sameeyay mas'uuliyiinta ugu saraysa wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, waxay cadeeyeen inaysan arrintaasi ka hadli karin.

Eeddan, ayaa kusoo beegantay xilli dhawaan magalada Bosaso ka furatay xilli habeenimo ah doon muddo kabadan saddex bilood ku xirnayd dekeda taasi oo ciidamada badda Puntland kusoo qabteen howl gal ay fuleen ciidamadu 01 December,  2015 iyadoo aan maxkamad iyo ganaax doona la horgayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM