Xeerka Isgaarsiinta iyo Khidmadaha Puntland oo la meelmariyey

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Maalintii 3-aad ayay Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL qodob-qodob uga doodeen Xeerka Isgaarsiinta iyo Khidmadaha Puntland , iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku ogolaadeen 36 Mudane, halka 1 mudane diiday, 1 mudanana ka aamusay.

Lifaaqa Xeerka Isgaarsiinta ayaa si faah-faahsan uga hadlay Khidmadaha ay bixinayaan Isgaarsiinta, Boostada, Madbacadaha, Wargeysyada, Warbaahinta madax-banaan, Telefishinada iyo adeegyadda xiriirka ee ka hawl-gala Puntland.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland oo ka koobnaa 38 Qodob ayaa lagu kordhiyey Qodobo muhiim ah oo ka hadlaya Iska hor-imaadka danaha isdiidan, shuruucda codsiga Ruqsada, Ganaax iyo Dhaqan-gal waxa uuna bedeli doona xeer sharci Lr. 15 ee 17-12-2007 kuna saabsanaa Isgaarsiinta iyo Khidmadaha.

Baarlamaanka Puntland

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM